MUQDISHO, Soomaaliya — Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay ololaha caalamiga ah ee 16-ka maalmood ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.
Ololahan oo ay Wasaaraddu qabato sanad kasta ayaa ujeeddadiisu tahay in bulshada lagu baraarujiyo dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka iyo gabdhaha, isla markaana la xoojiyo dadaallada lagu hortagayo tacaddiyada ku saleysan jinsiga.
Munaasabadda furitaanka oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin dowladeed, xildhibaanno, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaa ugu horreyn hadal soo dhaweyn ah ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Bashiir Cumar.
Agaasimaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda, hay’adaha iyo bulshada ay iska kaashadaan ka hortagga tacaddiyada, isagoo soo dhaweeyay martidii ka soo qeybgashay munaasabadda.
Wasiir Khadiija ayaa khudbaddii furitaanka ku soo bandhigtay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo gabdhaha, iyadoo si gaar ah u xustay horumar laga sameeyay dhinacyada shuruucda, siyaasadaha ilaalinta iyo nidaamyada wax looga qabanayo tacaddiyada ku saleysan jinsiga.
Waxay sheegtay in ololaha sanadkan uu ku soo beegmayo xilli ay Soomaaliya tallaabooyin ka qaaday xoojinta sharciga iyo caddaaladda, kaddib ansixinta Hindise-sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, kaas oo ay dowladdu u aragto tallaabo lagu horumarinayo ilaalinta dhibbanayaasha iyo la dagaallanka tacaddiyada galmada.
Wasiiraddu waxay intaas ku dartay in Wasaaraddu inta uu ololuhu socdo qaban doonto barnaamijyo wacyigelin ah, kulamo iyo tallaabooyin kale oo bulshada lagu dhiirrigelinayo inay qeyb ka noqoto ka hortagga iyo ciribtirka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.
Waxay sidoo kale ugu baaqday qeybaha kala duwan ee bulshada inay xoojiyaan taageerada iyo wada shaqeynta, si loo helo jawi ay haweenka iyo gabdhuhu ku helaan badbaado, xuquuqdooda iyo caddaalad.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socday beesha caalamka, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada Wasaaradda ee la xiriira ilaalinta xuquuqda haweenka iyo horumarinta shuruucda.
Ololaha 16-ka maalmood ayaa socon doona illaa 10-ka December, oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka.



