Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay dhaarinta Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda dhaarinta Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.

 

Madaxweynaha ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay munaasabadda kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub inuu si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, dhowrista sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay, isaga oo tilmaamay in garsoor madax-bannaan uu laf-dhabar u yahay dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.

Munaasabadda dhaarinta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka.

Dhaarinta Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ayaa qayb ka ah habraacyada rasmiga ah ee la xiriira la wareegidda xilka iyo gudashada waajibaadka garsoorka dalka.May be an image of one or more people, the Oval Office, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here