Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo Dugsiga Xananbuure kula hadlay ciidamo cusub oo ku biiraya dowlada

0

Xananbuure – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khalid), ayaa maanta Dugsiga Tababarka Xananbuure kulan kula yeeshay cutubyo cusub oo dhawaan ku biiri doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Taliyaha ayaa ciidamada cusub u jeediyay soo dhoweyn iyo dardaaran, isaga oo ku bogaadiyay go’aanka ay qaateen ee ah inay u istaagaan difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isla markaana ay naftooda iyo waqtigooda u huraan u adeegidda qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa munaasabad kale ku sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababarkooda ku soo dhammeystay isla Dugsiga Xananbuure, kuwaas oo isu diyaarinaya inay si rasmi ah u gutaan waajibaadka qaran ee loo tababaray.

Taliyaha ayaa labada cutub ee ciidamada kula dardaarmay inay ku dhaqmaan Alle ka cabsiga, ilaaliyaanna anshaxa iyo shuruucda ciidanka, isagoo sidoo kale kula dardaarmay adkaysi, feejignaan, geesinnimo iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa xusay in dalka uu maanta u baahan yahay ciidamo leh waddaniyad, karti iyo masuuliyad, kuwaas oo door muuqda ka qaata sugidda amniga, difaaca shacabka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.May be an image of one or more peopleMay be an image of textMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here