SoDMA oo shir heer sare ah ka yeelatay diyaar-garowga El Niño 2026

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan heer sare ah oo ay ka qeyb galeen Dowladda Federaalka, wasiirrada gargaarka dowlad-goboleedyada, Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyo bah-wadaagta bani’aadannimada.

 

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii dowlad-goboleedyada dalka loo taageeri lahaa, gaar ahaan hababka isku-duwidda heer dowlad-goboleed iyo heer degmo, diyaar-garowga, digniinta hore iyo ka jawaabista khataraha la xiriira isbeddelka cimilada iyo saameynta laga filayo El Niño-ga 2026.

Ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo awoodda iyo hababka isku-duwidda heer dowlad-goboleed, si digniinaha hore loogu beddelo tallaabooyin degdeg ah, loona hubiyo in kheyraadka, gargaarka iyo taageeradu waqtigooda gaaraan bulshada nugul.

Hay’adda SoDMA iyo dowlad-goboleedyada ayaa ugu baaqay bah-wadaagta bani’aadannimada iyo horumarinta inay xoojiyaan taageerada farsamo, dhaqaale, shaqaale iyo saadka, isla markaana ay barnaamijyadooda waafajiyaan mudnaanta Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee diyaar-garowga El Niño.May be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎DISA የወያአስ MAAREYNTA AAA YINKASO COMAL DISAS N الك لادارة HOAMAAREYAN SOMALI DISA HAVADOA MAAREYNT نوطفب‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here