Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wasiirka Tamarta Turkiga

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday dalka Turkiga, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee dalkaas, Alparslan Bayraktar.

 

Kulanka Madaxweynaha iyo wafdiga Turkiga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkey, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay iskaashiga dhinacyada tamarta, khayraadka dabiiciga ah iyo dhaqaalaha buluugga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal ee dhanka tamarta uu gaaray heer taariikhi ah oo shacabka labada dhinac ay ku faani karaan. Waxa uu sidoo kale xusay in soo xirashada markabka Çağrı Bay ay furayso bog cusub oo dahabi ah, isla markaana ay dardar gelinayso dadaallada dowladda ee ku aaddan koboca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Dhankiisa, Wasiir Alparslan Bayraktar ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran iyo marti-soorka heerka sare ah ee loo sameeyay wafdigiisa. Waxa uu sidoo kale xusay in markabka Çağrı Bay iyo bilowga howlaha qodista shidaalka ay tusaale cad u yihiin miro-dhalka iskaashiga tamareed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulankan ayaa muujinaya heerka sare ee xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kheyraadka iyo kobcinta dhaqaalaha.May be an image of suit and the Oval OfficeMay be an image of suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here