Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudiga

0

RIYADH (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, isaga oo ku sii jeeda caasimadda Boqortooyada Sacuudiga ee Riyadh.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyadh uga qeyb gali doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa booqasho shaqo ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dalkaas ku galay qaliin looga sameeyey dhanka garabka, kaas oo lagu guuleystay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu dalka dib ugu soo laabto marka uu u soo dhammaado shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here