Wasiir Huruuse oo ka qayb-galaya shirka wasiirada arrimaha dibedda Carabta

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya uga qeyb galaya shirar kala duwan oo maalmaha soo socda ka socon doonda dalkaas.

 

Wasiir Abshir ayaa shirka ugu horreeya magaalada Riyadh uga qeyb gali doona shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda Carabta, oo lagaga arrinsanayo xaaladda magaalada Gaza ee dalka Falastiin, waxa uuna xigi doona shirka madaxda Carabta

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka qeyb gali doona Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ururka Islaamka ee (OIC) oo uu ku xigi doono shirka madaxda waddamada Islaamka, kaas oo la filayo in laga soo saaro go’aano.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa hordhac waxa uu u yahay safar uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh u uku tagaya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here