MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey u soo noqday guddoomiyaha maxkamadda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aanka madaxweynaha uu yimid kadib cabashooyin ay muujiyeen garsoorayaasha dalka, hawl-wadeennada hay’adaha garsoorka iyo xirfadlayaasha sharciga, kuwaas oo la xiriiray baahida loo qabo helitaanka garsoor hufan oo caddaalad ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go’aansaday in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan nidaam caddaaladeed oo hufan, lagu kalsoonaan karo, isla markaana ku shaqeeya madax-bannaani.
Madaxweynaha ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay.
Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, xilkaas oo markii ugu horreysay loo magacaabay bishii Luulyo 2011, isaga oo hayay ilaa May 2016.
Magacaabistiisa cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, iyadoo xubno ka tirsan mucaaradku ay Maxkamadda Sare u gudbiyeen dacwad ka dhan ah wax-ka-beddelkaas.
Xilka-qaadista Baashe Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale timid saacado ka hor xilligii la filayay in guddoomiyaha maxkamaddu go’aan ka gaaro dacwadda mucaaradka.



