Soomaaliya iyo Indonesia oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, kalluumeysiga iyo amniga badda

0

JAKARTA, Indonesia — Dowladda Soomaaliya iyo Indonesia ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, beeraha, kalluumeysiga iyo amniga badda.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa kulan laba geesood ah magaalada Jakarta kula yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Indonesia, Anis Matta.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Indonesia ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo diblomaasiyadda.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga, beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha badda, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo amniga badda.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda, kobcinta awoodda hay’adaha dowladda iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada badan.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen isku-duwidda mowqifyadooda iyo danahooda madalaha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Labada wasiir ku-xigeen ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga labada dal, iyagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashi wax-ku-ool ah oo ku dhisan is-ixtiraam, dano wadaag iyo horumar waara.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga dhaqaale, iyadoo raadineysa maalgashi iyo fursado horumarineed oo ay ka faa’iideystaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha dalka.

Indonesia, oo ka mid ah dhaqaalaha ugu waaweyn Koonfur-bari Aasiya, ayaa leh khibrad dhinacyada beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo fursado iskaashi u abuuri kara labada dal.

War-saxaafadeedka laguma shaacin heshiisyo gaar ah ama ballanqaadyo maalgashi oo ka dhashay kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here