Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee la cunaqabateeyey

0

WASHINGTON (SMN) -Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha fiisaha, kuwaas oo lagu eedeeyay wiiqista hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken Arbacadii shalay.

Tallaabadan ayaa timid, kadib markii uu markale dib u dhac ku yimid dhammeystirka jadwalka doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay isku u qabsatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanka waxay ballaarineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa,” ayaa lagu yiri swar-saxaafadeed uu soo saaray Antony Blinken.

Ma shaaicn Maraykanka illaa iyo hadda magacyada shakhsiyaadka lagu soo rogay cunaqabateynta.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray xoghayaha inay sii wadi doonaan qiimeynta ku daris dheeri ah oo lagu dabaqo siyaasadda iyo hababka kale ee ay heli karaan, si ay sare ugu qaadaan la-xisaabtanka iyo taageerida dhameystir deg deg ah oo lagu sameeyo doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here