Mareykanka oo xaqiijiyey inuu duqeyn ka fuliyey gudaha Soomaaliya

0

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Al-Shabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia – hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo Shabaab.

Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la wareegay madaxweyne Biden waxayna arrintaasi wax xoogaa buuq ah ka dhalisay Washington.

Khamiistii, seddex senetar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden in uu ku guuldareystay inuu raadsado ogolaansho duqeyntii ugu horeysay ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, waxayna sheegeen in loo baahan yahay isla xisaabtan ku aaddan ammaanka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here