Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed?

0

BAYDHABO – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shir Gudoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed kaas oo looga hadlay arrimo muhiim u ah amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada ee deegaanada Koonfur Galbeed.

 

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga iyo sugidda nabadgelyada, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga shacabka iyo xasilloonida guud ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay saamaynta fatahaadaha iyo xaaladaha ka dhasha El-Niño, iyo sidii Dowladda, hay’adaha samafalka iyo bulshada looga wada shaqayn lahaa diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhalan kara fatahaadaha iyo roobabka xooggan.

Dhinaca kale shirka waxaa lagu falanqeeyey shaqaalaysiinta iyo abuurista fursadaha shaqo ee dhalinyarada, iyadoo xoogga la saaray sidii dhalinyarada Koonfur Galbeed loogu abuuri lahaa fursado ay kaga qayb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska deegaannadooda.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale isla eegay horumarinta iyo tayeynta adeegyada bulshada, gaar ahaan adeegyada aasaasiga ah, si shacabka Koonfur Galbeed loo gaarsiiyo adeegyo hufan, tayo leh oo waara.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargeliyo gudashada waajibaadka loo igmaday, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda, si loo xaqiijiyo amni, adeegyo bulsho oo tayo leh iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaanada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here