Maxay ka wada-hadleen wasiir Duraan iyo safiirka Kenya ee Soomaaliya?

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Kenya ee Soomaaliya, Lucas Tumbo.

Labada mas’uul ayaa waxa ay diiradda saareen siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Soomaaliya & Kenya ee dhinacyada horumarinta duulimaadyada iyo isku socodka dadka.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ballaariyo wada-shaqeynta ka dhexeysa labada dowladood ee dariska ah Soomaaliya iyo Kenya

Si kastaba, kulankani ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana Soomaaliya ay  ku jirto xaalad kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here