MW Farmaajo oo war kasoo saaray geerida ku timid Xasan Garweyne

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  uga tacsiyeeyey qoyska, Qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid  Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Garweyne) oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne) uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo door wanaagsan ka soo qaatay horumarinta Waxbarashada Somaliland.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne), si gaar ah waxaan tacsi ula wadaagayaa Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne) oo uu Marxuumku aabbe u ahaa.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here