Muqdisho – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa si adag u cambaareysay weerarro iyo falal hubeysan oo ay sheegtay in lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka ee hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
War-saxaafadeed ay NISA soo saartay ayay ku sheegtay in falalkaasi ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad hubeysan oo ay ku eedeysay inay ka amar qaataan madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
Hay’addu waxay sheegtay in maleeshiyaadkaasi ay isku dayeen inay ciidamada amniga ku riixaan iska hor-imaad hubeysan, balse ciidamada Ilaalada Shacabka ay muujiyeen feejignaan iyo xilkasnimo, kana fogaadeen tallaabo kasta oo horseedi karta gacan-ka-hadal iyo waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, caddeymaha ay NISA uruurisay ayaa muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa qoryaha AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir.
NISA ayaa sidoo kale sheegtay in 24-kii Juun 2026 ay maleeshiyaadkaasi weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, isla markaana la afduubtay mid ka mid ah ciidamadii gudanayay waajibaadkooda. Hay’addu waxay intaas ku dartay in 27-kii Juun 2026 ay mar kale hor istaageen howlaha amni ee ciidamada ka waday Waaxda General Daa’uud.
Dhanka kale, NISA waxay sheegtay inay tahay hay’ad amni oo sharciga ku shaqeysa, kana madax-bannaan loollanka siyaasadeed. Waxay caddeysay inaysan oggolaan doonin in ciidamadeeda loo jiido khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana aysan gorgortan ka geli doonin sugidda amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, hay’addu waxay sheegtay inay ka go’an tahay gudashada waajibaadkeeda sharci, ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo ka hortagga fal kasta oo khatar gelin kara nabadgelyada bulshada.




