Muqdisho – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay falal daandaansi iyo been-abuur ah oo lagu hayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaddib markii, sida goluhu sheegay, maalmihii la soo dhaafay hoygiisa la geeyay ciidamo hubeysan oo carqaladeeyay howl-maalmeedkiisa, khatarna geliyay amnigiisa.
War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud laga filayay inuu dalka u jiheeyo wada-hadallo dhab ah oo lagu gaarayo heshiis ku saabsan doorashooyinka dalka.
Goluhu wuxuu sheegay inay wax laga xumaado tahay in Madaxweynaha uu ku socdo waddo, sida uu hadalka u dhigay, uu ku bannaysanayo dhiigga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan xubnaha mucaaradka, isaga oo hay’adaha amniga u adeegsanaya si sharci-darro ah.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara falalka uu ku tilmaamay daandaansi iyo argagax-gelin ay qaar ka mid ah hay’adaha amnigu ku hayaan hoyga madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.
Goluhu wuxuu sheegay in mas’uuliyadda wixii cawaaqib ah ee ka dhasha tallaabooyinkaas ay dusha ka saaran tahay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu joojiyo tallaabooyinka uu ku tilmaamay daandaansiga ah, kuwaas oo uu sheegay inay horseedi karaan isku dhacyo iyo khatar amni, isla markaana uu diiradda saaro sidii heshiis looga gaari lahaa doorashooyinka dalka.




