Muqdisho – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay burburiyeen shabakado ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay qorsheynayeen inay ku dhex dhuuntaan qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay 11 xubnood oo ka tirsanaa shabakado kala duwan, kuwaas oo sida hay’addu sheegtay loo diyaarinayay inay fuliyaan falal waxyeello u geysan kara amniga iyo shacabka.
NISA ayaa sheegtay in howlgallada qorsheysan laga fuliyay degmooyinka Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye, iyadoo ciidamadu ay intii uu howlgalka socday gacanta ku dhigeen hub iyo agab kale oo, sida ay hay’addu sheegtay, loogu talagalay in loo adeegsado fulinta falal amni-darro.
Hay’addu waxay tilmaantay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee ay ku doonayso inay uga hortagto qorshayaasha Al-Shabaab ee lagu waxyeelleynayo amniga Muqdisho iyo shacabka Soomaaliyeed.





