Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD oo kormeeray xarunta cusub ee ururka ee Jabuuti

0

Jabuuti, Jamhuuriyadda Jabuuti – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa magaalada Jabuuti kaga qeybgalay kormeer ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboledka IGAD ku tageen xarunta dhexe ee cusub ee ururka, taas oo laga dhisayo dalka Jabuuti.

 

Kormeerka ayaa dhacay xilli uu socday kalfadhiga 74-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboledka IGAD.

Wasiirrada ayaa warbixin ka dhegeystay halka uu marayo dhismaha xarunta cusub, iyagoo soo dhoweeyay mashruucan oo ay ku tilmaameen astaan muuqata oo muujinaysa xoojinta iyo adkeynta hay’adeed ee IGAD, iyadoo la raacayo Heshiiska Aasaaska ee Urur-Goboledka IGAD.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here