Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

0

MUQDISHO: Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen odayaal dhaqameed, Salaadiin, Ugaasyo, Nabaddoonno iyo Waxgarad Soomaaliyeed ayaa lagu bogaadiyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo si gaar ah loo xusay taageerada uu Turkigu sannadihii lasoo dhaafay siiyay Soomaaliya.

 

Ka qaybgalayaashii kulanka ayaa sheegay in taageerada Turkiga ay gaartay qaybo badan oo nolosha bulshada ah, oo ay ku jiraan gargaarka bani’aadannimo, caafimaadka, waxbarashada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaalieed.

Odayaasha ayaa xusay in Soomaaliya ay muddo dheer soo martay xaalado adag, ayna muhiim ahayd taageerada caalamiga ah ee dalka loo fidiyay. Waxay sheegeen in Turkigu uu ka mid ahaa dalalkii si muuqata uga jawaabay baahiyaha Soomaaliya, gaar ahaan xilligii ay dalka ka jireen macluul iyo xaalado bani’aadannimo oo aad u daran.

Waxay tilmaameen in xiriirka labada dal uu si weyn u kobcay wixii ka dambeeyay 2011-kii, xilligaas oo Muqdisho yimid Erdogan oo Ra’iisul Wasaare ah, isagoo noqday hogaamiyihii ugu horeeyay oo meel ka baxsan Africa ka yimid, si uu ugu gurmado shacabka Soomaaliyeed oo ku dhufatay macluul daran oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 258,000 illaa 260,000 oo qof, oo carruur u badan.

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

“Bulshada Soomaaliyeed ma hilmaami karto garab istaaggii dowladda iyo shacabka Turkiga ay muujiyeen xilliyadii adkaa. Taageeradaasi waxay taabatay nolosha dadka Soomaaliyeed, waxayna ka qayb qaadatay dib-u-dhiska dalka,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah odayaasha ka hadlay kulanka.

Sidoo kale, odayaasha ayaa sheegay in xiriirka labada dal uusan ku koobnayn oo keliya iskaashi rasmi ah oo ay yeeshaan dowladuhu, balse uu leeyahay dhinac bulsho oo muddo dheer soo jiray. Waxay xuseen xiriirka iyo is-dhexgalka ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay baaq ku aaddan in la sii xoojiyo xiriirka labada dal, iyadoo odayaashu ku adkeysteen muhiimadda iskaashi ku saleysan ixtiraam, dano wadaag iyo mashaariic wax ku ool ah oo bulshada Soomaaliyeed ka faa’iideysan karto.

Taageerada Turkiga ee Soomaaliya ayaa sannadihii lasoo dhaafay ku fiday dhinacyo kala duwan, waxaana labada dal ay iska kaashadaan arrimo ay ka mid yihiin amniga, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Kulanka Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu weli yahay mid muhiim u ah labada dhinac, iyadoo iskaashigooda uu ka gudbay dhinaca gargaarka bani’aadannimo una gudbay dhinacyo kale oo istiraatiiji ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here