Maxkamada degmada Gaalkacyo oo xukun adag ku ridday saddex ruux
Maxkamada darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa xukun isugu jira ganaax lacageed iyo xabsi ku riday saddax ruux oo ku eedeeysnaa ka ganacsiga qamriga kuwaas oo ay ciidamada amniga Puntland kasoo qabteen Dagmada Jarriiban ee gobalka Mudug.
Xeer ilaaliyaha gobalka Mudug ee Puntland Cabdifitaax Maxamed Aadan ayaa maxkamada ka hor akhriyay eedeeymaha loo heysto sadaxda dhalinyaradaa ee maxkamda...
Wasiirka shaqada & arrimaha bulshada oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar, Maxamed Saafan
kulankaa oo uu goob-joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar ayaa looga hadlay dhowr arrimood oo dan guud ah...
Puntland oo war kasoo saartay xiisada ka taagan Villa Soomaaliya
Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra'iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.
Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra'iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.
Sidoo kale Puntland waxay soo...
Cali Guudlaawe oo baaq u diray beelaha ku dagaalamaya Hiiraan
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka kabxanlay ee waqooyiga Magaalada Baledweyne.
Cali Guudlaawe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax walba ku xaliyaan wadahadal.
Madaxweynaha...
Maxay ka wada-hadleen Rooble & taliyeyaasha ciidamada dowladda
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka oo uu kala hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada dagaallanka argagixisada.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Cabdiweli Ibraahim Sh. Muuddey.
Dhinaca kale Rooble ayaa la kulmay Taliyaha...
Somali premier suspends intelligence chief; president objects
Somalia's prime minister on Monday suspended the intelligence chief, a move the president called unconstitutional.
The dispute over Fahad Yasin, the director of Somalia's National Intelligence Service Agency (NISA), erupted after days of tension in the capital Mogadishu over the mysterious death of Ikran Tahlil Farah, a female NISA officer, more than two months ago.
Prime Minister Mohammed Hussein Roble announced...
Jubbaland oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex-qaraxday hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya.
Ugu horreyn Jubbaland ayaa boggaadisay go'aanka uu Rooble ka qaatay maareynta kiiska Ikraal Tahliil Faarax oo ay hay'adda NISA shaacisay inay dileen xoogaga Al-Shabaab.
Jubbaland ayaa sidoo kale soo dhoweysay shaqo joojinta lagu sameeyey agaasimihii hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka...
Shirkada Samsung oo xafiis toos ah ka furatay Somalia gaar ahaan Muqdisho .
Daahfurka Samsung soomaaliya waa waji cusub oo hormar leh oo uu kutilaabsanayo ganacsiga soomaaliya, maadaama samsung ay kamid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee caalamka waxaana xaruntaan ganacsi ay ku timid hal abuur ama fikir ay la yimaadeen dhalinyara soomaaliyeed islamarkaana uu ku maal galiyay bangiga salaam Somali Bank.
Xaruntan cusub ee laga hergaliyay muqdisho ayaa Waxaa wakiil kaga ah shirkada...
Dhalinyaradii afduubka loogu haystay magaalada Beledweyne oo la sii daayey
Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in la sii daayay sedex nin oo dhalinyaro ah oo maalmihii la soo dhaafay rag hubeysani afduub ugu haysteen xaafadda Hawl-Wadaag ee magaaladaasi.
Ragga afduubka gaystay ayaa ku andacoonayay inay sidaa u sameeyeen iyagoo ka xun warkii ka soo baxay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee sheegayay in Ikraan Tahliil oo...
Taliye Xijaar oo shir isugu yeeray saraakiisha booliska Soomaaliya
Taliyaha ciidamada booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shir deg deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya dhammaan saraakiisha Booliska, sida taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo dhammaan talisyada kale.
Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kulankan looga hadlayo xaaladaha soo kordhay...













