Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Sool
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay iska hor-imaad hubaysan oo maanta ka dhacay nawaaxiga tuulada Saax-Maygaag oo u dhexeysa Birta-dheer iyo degmada Boocame.
Labo maleeshiyo beeleed ayaa ku diriray miyiga lagu magacaabo Balli-cad oo dhanka hawdka ka xiga tuulada Saax-Maygaag halkaas oo iska hor-imaad kooban ka dhacay.
Sidoo kale deegaankaas waxa ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexeysa laba malayshiya-beeleed...
Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Beledweyne
Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay kala qaadaan ciidammadii is diidanaa ee isku hor fadhiyay magaalada Baledweyne.
Todobaadkii hore ayey aheyd markii ciidammo gadooday ay qabsadeen xarunta gobolka ee magaaladaasi, kuwaas oo diidanaa in magaalada uu yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Odayaashu waxa ay sheegeen inay tahay in la furo wadahadallo lagu xallinayo tabashooyinka jira, hasayeeshee...
Gabdho ka mid noqonaya Ciidanka Haramcad oo tababar loo soo xiray
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliya Jeneraal Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa tababar ugu soo xiray magaalada Cankiri ee dalka turkiga dufcadii ugu horaysay ee hablo dhamaystay tababar ciidan kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Musaasabadan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socotay Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya kuwaas oo uu ugu horeeyo...
Aqriso: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo magacaabis sameeyey
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Ceyn ee Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Xildhibaanada Gobolka Cayn.
Markuu arkay: Baahida shaqo ee jirta.
Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo
Wuxuu u magacaabay:-
Cabdifataax Ciise Maxamed Gudoomiyaha Gobolka...
Network of Somali lawyers trained to defend journalists and news media organisations launched
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) in cooperation with the United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization (UNESCO) is proud to announce the launch of the first-ever network of media lawyers capacitated to defend journalists and news media organisations who are attacked because of the nature of their work.
The network was established on the final day of a historic training...
Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidanka Koonfur Galbeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Qansaxdheere oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.
Warar ayaa...
Talyaaniga oo bad-baadiyey 539 qof oo tahriibayaal ah
Maraakiibta ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa 539 muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay dooni kuwa kalluumeysiga ah oo ku sii jeeday jasiiradda Lampedusa.
Kooxaha badbaadiyaasha ayaa sheegay in dadkaan ay yihiin tiradii ugu badnayd ee muhaajiriin ah oo hal maalin gudaheed soo galay jasiiraddaasi,waxaan ku jiray dumar iyo carruur .
kooxda samafalka ee MSF (Dhakhaatiirta Aan Xudduudda Lahayn), ayaa sheegay in tiro ka...
Ciidamada ammaanka oo xalay ‘nin hubeysanaa’ ku toogtay Muqdisho
Warardheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Howl-galkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay nin ku hubeysnaa bambaanooyin iyo qori AK-47 ah, xilli ay ciidamadu howl-gal roonda ah ka wadeen xaafadda Cali-Turcaaye oo ka tirsan degmadaasi.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo howl-galka kadib la...
Marwada koowaad ee dalka oo xarigga ka jartay isbitaalka Baraawe
Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo xarigga ka jartay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka magaalada Baraawe ayaa ku bogaadisay bulshada deegaanka sida ay ugu garab istaageen hirgelintiisa.
Marwo Saynab oo ka warbixisay qorshaha lagu hirgeliyey Isbitaalkan ayaa tilmaamtay in muhiimad weyn uu u leeyahay dadka ku dhaqan magaalada Baraawe iyo deegaannada kale ee ku xeeran oo baahi weyn...
Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Xuddur
afdigaan heer Wasiir ah oo lagu soo dhoweeyey magaalada Xuddur ayaa waxa horkacayay wasiirka Cadaalada iyo garsoorka dowlad goboleedka koonfur galbeed Xasan Ibraahim Lubuur oo ay whliyaan Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta koonfur galbeed Saalax Shariif Siidkay iyo guddoomiyaha gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur.
Soo dhoweyn kooban oo loogu sameeyey guddaha garoonka ka dib wafdiga ayaa loo galbiyey guriga martida...













