Ciidamada Xoogga & kuwa Galmudug oo la wareegay deegaano horleh
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay howl-gallo ka sameeyeen koonfurta gobolkaasi.
Howl-galladan ayaa daba socday weerar madaafiic ah oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay weerarkaasi, kadib howl-gallo ka sameeyeen inta u dhexeysa degaanada Shabeelow...
Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka Feerka
Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka olombikada ee ka socda Japan waxay ku tartamaysaa feerka.
Waxay galabta la ciyaari doonta gabadha u dhalatay dalka Romania ee lagu magacaabo Maria Claudia Nechita halkaas oo ay ku wada feertami doonaan.
Feerkooda ayaa noqonaya kii 16-aad ee tartankan.
Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa mar kale taariikh u sameynaysa dalkeeda, iyadoo noqotay haweeneydii...
Maxaa ka soo baxay kulankii Rooble & madax goboleedyada dalka?
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada aqalka sare.
Madaxda ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee...
QM oo soo dhaweysay guddiga loo xil-saaray ilaalinta qoondada haweenka
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey guddigii uu maanta Ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, inta lagu guda jiro doorashada dalka.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya...
Soomaaliya iyo Mareynkanka oo ka wada hadlay amniga doorashooyinka
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Safaaradda Mareynkanka ee magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada Safaaradda Mareykanka Wendy Stancer oo ay wehlinayeen masuuliyiinkale oo katirsan Safaaradda.
Kulanka ayaa looga hadlay arimaha amniga doorashooyinka iyo mashaariicda ay isla wadaan Safaaradda Mareeykanka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Madaxa siyaasadda Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada Safaaradda Mareeykanka Wendy Stancer ayaa...
Somalia postpones long-delayed election
Somalia has postponed elections that were due to start on Sunday after months of delays in the deeply unstable Horn of Africa country, officials told AFP.
Indirect parliamentary and presidential polls were due to open on July 25 with four days of voting for the upper house by state delegates. The election cycle was due to end with a presidential...
Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddi cusub
Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS.
Tallaabadan oo qeyb ka ah dardar galinta qoondada haweenka, ayaa lagu magacaabay 12 xubnood oo haween ah iyo hal xubin oo rag ah.
Golaha wadatashiga qaran ayaa shirkoodii bishii june ee...
Taliyaha ciidanka Booliska oo magacaabis sameeyey
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbedel ku sameeyey Afhayeenkii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Taliye Xijaar ayaa afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed U magacaabay Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka mid ahaa saraakiisha firfircoon ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Gashaanle C/Fitaax Aadan Xasan ayaa waxa uu bedelayaa Col Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo horay u ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
function...
Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo natiijo la’aan kala soo kulmay Cadale
Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa isaga soo laabtay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe natiijo la'aan, kadib markii ay ku guul dareysteen in ay xalliyaan cabashada ay qabaan dadka deegaanka.
Sida ay wararku sheegayaan waxaa fashilmay kulamo ay la qaadanayeen qaar kamid ah dhaqanka deegaanka oo ku adkeestay in kuraas ka dhexeysa Beesha...
Puntland oo xukun ku ridday shabakad ka kooban sagaal nin
Maxkamadda darejada kowaad ee magaalada Garoowe, ayaa xukuntay shabakad ka kooban 9 nin oo lagu helay in ay khamriga soo gelin jireen gudaha Puntland.
Raggan ayaa Booliiska Gobolka Nugaal ku soo qabtay hawlgal ay ka sameeyeen tuulada Magacley, oo ka tirsan degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.
Sagaalkaas nin ayaa lagu xukumay min lix sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo...













