DF Soomaaliya oo guddoontay qalab caafimaad + sawirro
Wasaaradda Gargaarka iyo Kahortagga Musiibooyinka XFS ayaa maanta Guddoontay agabka loga Kahortagayo Covid19 oo ay ku deeqday Dowladda Jibuuti. Munaasabadda Wareejinta Agabkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimeyaal ka socday Xafiiska R/wasaaraha XFS, iyo Wasaaradda Gargaarka XFS.
Safiirka dalka Jibuuti ee Muqdisho Aadan Xasan Aadan oo ka hadlay wareejinta agabka ka hortagga Covid19 ayaa...
Muxuu Cali Yare ka yiri arrinta Taliye Saadaq Joon iyo amniga Muqdisho?
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu yahay mid deggan, isla-markaana uu kormeer kusoo sameeyey qaar ka mid ah baraha koontaroolada ciidamada.
Mar wax laga weydiidyey talaabada uu qaaday Saadaq Joon ayaa waxa uu sheegay in uusan sameyn doonin ciidanka...
Ra’iisul wasaare Rooble iyo Odowaa oo gaaray degmada Awdheegle
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, ayaa maanta gaaray degmada Aw-Dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Rooble ayaa gaaray Awdheegle, Waxa uuna la kulmayaa ciidamada Xooga ee ku sugan dalkaasi, isaga oo kala hadli doono howl-gallada ka dhanka ah dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.
Awdheegle ayaa waxaa ka dhacay...
Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray maalinta qaran ee 12-ka April
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Assalaamu-Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu,
Mudaneyaal iyo Marwooyin
Waxaa sharaf weyn ii ah maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka Abriil 2021 kuna beegaan maalintii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo dhammaan Ciidanka xoogga dalka, oo ay ugu horreeyaan...
Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir oo xilka qaadis lagu sameeyey + sababta
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa hadda xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).
Waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare.
Taliye Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa...
Dad ka barakacay colaadda Soomaalida iyo Canfarta
Dagaalladii dhawaanahan xadka deegaannada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ku dhex maray labada qowmiyadood ee deriska ah ayaa waxaa ku barakacay boqollaal qoysas ah.
Barakacayaasha oo ku sugan duleedka tuulooyinka ay dagaallada ka dhaceen ayaa sheegay inay halkaasi ku haysato macluul iyo biyo la'aan daran.
Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray saraakiisha ,Saraakiil Xigeenada ,Alifleyda ,Dableyda iyo Dhammaan qoysaskooda Munaasabadda 12 April oo ku beegan aasaaska CXDS oo ay ka soo wareegtay 61 Sano.
“Ciidanka Xoogga Dalka waa astaan qaran oo uu dalka leeyahay , waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca...
Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka BF iyo ammaanka oo la adkeeyey
Ciidamo dheeraad ah ayaa la soo dhigay dhamaanba jidadka soo gala xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo maanta oo Isniin ah lagu waddo in xildhibaannada Baarlamaanka fadhi ku yeeshaan xaruntooda Villa Hargeysa.
Kulanka maanta oo xalay lagu wargaliyay mudanayaasha Baarlamaanka waxaana la sheegay in ajandaha kulanka uu noqonayo mooshin la xiriira doorashada Soomaaliya oo lagu duuldareystay...
Taliye Odowaa oo hambalyo udiray ciidanka xoogga dalka
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeyay Sanadguurooda 61-aad oo ku beegan Maalinta Beri ah 12 April 1960-kii
Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa guud ahaan Ciidanka Xoogga dalka ugu hambalyeey munaasabada qiimaha badan ee aas aaska oo sanada jirsaday 61-sano .
General Odowaa...
Sawirro: Isku aadka tartan aqooneedka Shabelle oo la sameeyey
Shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa qabaneysa barnaamijka sanadlaha ah ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan, kaas oo ay ka qeyb-galayaan illaa 20 degmo oo ka kala tirsan gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.
Munaasabad loogu qori tuurayey degmooyinka sanadkan ka qeyb-galaya tartanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Shabelle, iyadoo ay...













