Wadahadalladii Lagu Doonayay Siideynta 8 Badmaax oo Masaari ah laguna afduubtay xeebaha Soomaliya oo Fashilmay
MUQDISHO - Wadahadalladii lagu doonayay in lagu sii daayo siddeed badmaax oo Masaari ah oo ay afduubteen burcad-badeed Soomaali ah ayaa fashilmay, kaddib markii kooxaha afduubka geystay ay ka baxeen heshiis hordhac ah oo hore loo gaaray.
Sida uu warbaahinta u sheegay El-Sayed El-Shazly, oo ah madaxa Midowga Saraakiisha Badda Masar, wada-xaajoodyada ayaa hakad galay kaddib markii afduubayaashu ay dalbadeen...
Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka oo Booqday Xarunta Xaawa Taako
MUQDISHO - Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Xarunta Nabadda, Horumarinta iyo Gargaarka Banii’aadannimo ee Xaawa Taako, halkaas oo ay kula kulmeen masuuliyiinta xarunta iyo qaar ka mid ah madax hore oo dowladeed.
Mas’uuliyiinta booqashada ka qeyb galay ayaa kala ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani,...
Mucaaradka oo Dowladda Ugu Baaqay In La Joojiyo Howlgallada Ka Dhanka ah Siyaasiyiinta
MUQDISHO - Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen kaddib kasoo saaray go’aamo ay ku dhaliileen dowladda Federaalka, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo howlgalada iyo tallaabooyinka lagu bartilmaameedsanayo siyaasiyiinta mucaaradka.
“Ciidankaan baacsanaya siyaasiyiinta ee...
Farmaajo oo Garab Istaag u Muujiyay Garsoore Cumar Cartan
MUQDISHO - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay inuu khadka taleefanka kula xiriiray garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan, kaddib markii laga reebay ka qeybgalka ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2026.
Farmaajo ayaa sheegay inuu la wadaagay garsooraha dareenkiisa ku aaddan caqabadda uu la kulmay, isagoo ku ammaanay dadaalka iyo kaalinta uu ku leeyahay matalaadda Soomaaliya...
Bandow lagu soo Rogay Baydhabo Xilli Doorashada Hoggaanka Koonfur Galbeed ay ka Dhacayso
BAYDHABA - Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay bandow laga hirgelinayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo lagu wado inay ka dhacdo doorashada hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay sugidda amniga iyo nabadgelyada guud ee magaalada, gaar ahaan inta lagu guda jiro howlaha doorashada.
Sida ku cad...
Wasiirka Warfaafinta oo Daah furay Dib u habeyn Lagu Sameeyay Kaydka Radio Muqdisho
MUQDISHO - Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta furay dib-u habeyn yo dayactir lagu sameynayay keydka Radio Muqdisho, si loo dardar-geliyo badbaadinta iyo casriyeynta dhaxalka maqalka ee taariikhiga ah ee Soomaaliya.
Daah-furka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo mas'uuliyiin kale, kuwaas oo...
Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shir Caalami ah oo ka Dhacay Washington DC
WASHIGTON - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir caalami ah oo uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka, kaas oo diiradda lagu saarayo sidii dalalka ka soo kabanaya colaadaha, nuglaanta iyo xasaradaha ay isku waafajin lahaayeen wax ka qabashada baahiyaha deg daga ah iyo hirgelinta qorsheyaasha...
Somalia Regrets World Cup Absence of Referee Omar Artan After U.S. Entry Setback
MOGADISHU — Somalia's Ministry of Youth and Sports on Tuesday expressed deep regret over the circumstances that prevented internationally recognized Somali referee Omar Abdulkadir Artan from participating in the 2026 FIFA World Cup being hosted across the United States, Canada, and Mexico.
In a statement, the ministry said the Somali government had undertaken extensive diplomatic efforts after learning that Artan...
Somali Referee Thanks Supporters After U.S. Entry Ban Derails World Cup Role
ANKARA — Somali international referee Omar Abdulkadir Artan has thanked the football community and the Somali public for their support after he was denied entry to the United States, preventing him from officiating at the 2026 FIFA World Cup.
In a statement released from Turkey, Artan said he remained optimistic despite the setback and was focused on the next stages...
Garsoore Cumar Cartan oo hadlay Ka Dib Markii Loo Diiday Inuu galo Mareykanka
ANKARA - Garsooraha caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa u mahadceliyey "bahda kubadda cagta" iyo shacabka Soomaaliyeed taageeradii ay u muujiyeen, ka dib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, halkaas oo la qorsheynayay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha dhex-dhexaadinaya tartanka Koobka Adduunka ee 2026.
Cumar Cartan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in inkastoo ay jiraan duruufahan adag,...











