Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo loo doortay Senatar ka tirsan Aqalka Sare

0

MUQDISHO (SMN) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursiga 3-aad ee xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Tartanka kursigan oo ah mid adag ayaa waxaa wareega labaad isugu soo haray labada aqoonyahan ee kala ah Prof Cabdi Ismaaciil Samatar & Prof Maxamed Maxamuud Alle Bari.

Guusha ayaa waxa ay ugu dambeyn raacday Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo helay 25 cod, halka musharixii la tartamayey uu helay 21 cod, sida uu shaaciyey gudiga doorashada.

Doorashada ayaa weli sii socota, waxaana la guda-galay kursiga afaraad oo oo ay ku tartamayaan wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe & C/kariim Maxamed Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here