Xildhibaan ka tirsan Somaliland oo dhaawac loogu geystay Hargeysa

0

HARGEYSA (SMN) – Suldaan Saleebaan (Habaar) ayaa la sheegay inuu maanta gacanta ula tegay Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray dhanka madaxa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in isku dhaca Xildhibaanka iyo Suldaanka ay sabab u aheyd hadallo kulul oo ay dhowaan isku waydaarsadeen warbaahinta.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falka lagu dhaawacay xildhibaankaasi ka tirsan baarlamaanka Somaliland.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn xoogan, iyada oo si aad ah sawirrada xildhibaanka la dhaawacay loogu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here