Qaraxyo ka dhacay goobo ganacsi [Sawirro]

0

MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Xalay fiidkii hore waxaaa bam gacmeed lagu tuurey BTS ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ku leedahay deegaanka Muusaaaley ee Ceeelasha biyaha. Inta la ogyahay ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan.

 

Weerarkan   ayaa dhacay wax ka yar 24 saac kadib  qarax noociisa lagu sheegay miino jidka lagu aasay oo habeen hore ka dhacay  ka soo horjeedka laan ay shirkadda Hormuud ku leedahay degmada Deyniile gaar ahaan agagaarka xero Jarmalka.

Inta la xaqiijiyey ma jiraan wax khasaaro nafeed ah uu sababay   qaraxaasi ,  waxaase  burbur xoogan uu gaadhay dhismaha  xarunta. Dadka deegaanka ayaa si wayn ugu tiirsan adeegga xaruntani bixiso.

Lama oga sababta loo beegsaday goobahaas ganacsi, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan kala duwan,  iyo dad loo soo xirey falalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here