Senator Fartaag oo ka hadlay xaaladda adag ee ka jirta gobolka Gedo

0

MUQDISHO (SMN) – Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda adag ee haatan ka jirta gobolka Gedo, kadib markii ay ku dhufteen daadad xoogan iyo fatahaad uu sameeyay wabiga Jubba.

 

Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda Elnino oo horay looga digay ay ku dhufatay Gedo, isla-markaana loo baahan yahay in gurmad loo fidiyo shacabka gobolkaasi.

Senatorka ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay degmada Doolow, isaga oo tilmaamay inay ka jirto xaalad aad u daran, maadaama ay ka dhacday fatahaad xoogan.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dowladda dhexe, Jubbaland iyo hay’adaha Samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmad deg-deg ah u fidiyaan dadkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo ka dhalatay roobab dabeylo wata oo ka da’ay dalka iyo xaaladda Elnino oo horay looga digay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here