QM oo dalbatay lacag wax looga qabanayo xaaladda Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay inay u baahan tahay 364 milyan oo Doollarka Maraykanka ah si kor loogu qaado gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya inta u dhaxaysa December 2023 iyo May 2024.

 

WFP ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ku sheegtay in qiyaastii 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan la saadaalinayo inay la ildaran yihiin nafaqo darro nafta halis gelinaysa.

Sida ay sheegtay WFP, iyadoo Soomaaliya ay weli wajahayso saameyntii abaarta, haddana billowga fatahaadda El Nino ayaa culeys ku kordhisay bulshada ku dhaqan deegaannada webiyada Jubba iyo Shabeelle ee koonfurta Soomaaliya, taasoo sababtay waxyeello ba’an oo soo gaartay dad badan.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, 2.4 milyan oo qof ayaa ay saameeyeen roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ka dhashay, iyadoo 1.2 milyan ay ku barakaceen 118 kalena ay ku naf waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here