Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirweynaha 31-aad ee dalalka xubnaha ka ah OPCW

0

Hague, Netherlands – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 31-aad ee Dalalka Xubnaha ka ah Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), kaas oo ka dhacay magaalada Hague ee dalka Netherlands.

 

Soomaaliya waxaa shirka ku matalaysay Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub, Ambassador Khadiija Cosoble Ali, iyadoo dalka uu ka mid noqday dowladaha caalamka ee ka qeybgalay wada-hadallada ku saabsan hirgelinta Heshiiska Caalamiga ah ee Mamnuucidda Hubka Kiimikada (CWC).

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista hirgelinta heshiiska caalamiga ah, qiimeynta khataraha cusub ee la xiriira hubka kiimikada iyo xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka, si loo xaqiijiyo in dunidu noqoto meel ka caaggan hubka noocan ah.

Wakiillada dalalka ka qeybgalay ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo heshiiska, laguna wajahayo caqabadaha cusub ee ka dhalan kara adeegsiga ama faafitaanka hubka kiimikada.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirweynahan ayaa muujinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso doorkeeda fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, amniga, iskaashiga dowladaha iyo ilaalinta bani’aadantinimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here