Ra’iisul wasaare Rooble oo kulamo ka wada magaalada London

0

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Wasiirka Waxbarshada ayaa kulan la qaatay Alice Albright Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada, taas oo ay ka wada hadleen hormumarinta mashaariicda Waxbarashada Soomaaliya iyo istiraatijiyadda taakuleynta Waxbarashada Soomaaliya ee shanta sano ee socota.

Kulanka ayaa qeyb ka ah shirarka horudhaca u ah shirka horumarinta Waxbrashada, kaasi oo socon doono muddo labo cisho ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumudda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji, (Cabdullaahi Carab) oo ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii loo kordhin lahaa taageerada dhaqaale ee la siinayo Soomaaliya.

“Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu kulan la qaatay Alice Albright oo ah Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada, kulanka waxa uu qeyb ka yahay kulamo uu Ra’iisul Wasaaraha la yeelanayo Madax kala duwan, waxaan kala hadalnay in kaalmadii Soomaaliya ay siin jireen ay kordhiyaan, maadaama ay Wasaraddu sameysatay qorshaha shanta sanno ee soo socota oo ka bilaabanaya sanadka 2022-ka, Shirka guul ayuu ku soo dhamaaday, waxayna noo caqiijisay inay kordhin doonaan.” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here