Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo la yeeshay hay’ado iyo shirkado waaweyn oo Qatar ah

0

Dooxa – Intii uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Qatar, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa, marka laga soo tago kulamadii uu la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalka Qatar, kulamo kale oo muhiim ah la qaatay hay’ado iyo shirkado dowladeed oo Qatar leedahay.

 

Kulamada ayaa xoogga lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, dhiirrigelinta maalgashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo la yeeshay shirkadda dhismaha Qatar (Qatar Diar), Sanduuqa Maalgashiga Qatar, Hay’adda Maalgashiga Qatar (QIA), Qatar Airways iyo Machadka Hoggaaminta Qatar.

Intii ay socdeen kulamada, wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa hay’adahan u soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kalluumaysiga, tamarta, dalxiiska iyo gaadiidka, iyo sidoo kale kobaca joogtada ah ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo fursadaha ka dhashay horumarka dalka ka hanaqaaday.

Hay’adaha iyo shirkadaha Qatar ayaa muujiyay danayn ay u qabaan suuqyada Soomaaliya iyo ka qaybqaadashada maalgashi wax-ku-ool ah oo labada dal dan u ah. Sidoo kale, waxaa la isla eegay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga, gaadiidka, horumarinta hay’adaha iyo kobcinta awoodda hoggaamineed.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Qatar waxay qayb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka istiraatiijiga ah, iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga shisheeye. Kulamadan ayaa la filayaa inay horseedaan fursado cusub oo wax-ku-ool ah, isla markaana sii adkeeyaan xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Qatar.No photo description available.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here