Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo maanta magacaabis sameeyay – Akhriso

0

MUQDISHO (SMN) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magacaabay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabahadaha Wata.

 

Ra’iisul Wasaaruhu markuu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo ka hortagga sababaha aasaasiga ah ee dhaliya ama dhiirigeliya fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxa uu magacaabay.

  1. Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan
  2. Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim – Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan

Cabdullaahi oo xilal kala duwan horay usoo qabtay ayaa markii ugu dambeysay noqday wasiirka amniga, gaar ahaan xukuumaddii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here