Sawirro: Shir u dhexeeyo DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka furmay kulan ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Shirkaan oo 2 maalin socon doona ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha xeerka mideynta Cashuuraha, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta oo dhawaan la filayo in la soo gaba-gabeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo M. Janaqoow iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar C. Xaange ayaa si rasmi ah u furay shirka.

Wasiir Biixi oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu muhiim u yahay shirkaan arrimaha mudnaanta u  leh dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynt hannaanka canshuuraha,  dhammaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.

Shirkaan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed. Shirkaan ayaa waxa ka maqan oo aan ka qeybgalayn Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, inkasta oo si rasmi ah loogu casuumay shirkaan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here