Sawirro: Isku socodka Hobyo iyo Gaalkacyo oo hakad galay + Sababta

0

GAALKACYO (SMN) – Burbur xooggan ayaa gaaray Waddada isku xirta Gaalkcyo iyo Hobyo, gaar ahaan deegaanka Saqiiro oo qiyaastii Hobyo kaga beegan 15 km dhanka waqooyi, kadib markii ay daaddad xooggan ay burburiyeen guud ahaa waddadaas.

 

Burburka wadadaan soo gaaray ayaa hakad geliyey isku socodkii gaadiid iyo dadweynaha ee isaga kala safri jiray degmooyinka gobollada Mudug iyo gobolada kale ee la dariska ah.

Roobabka ka billowday dalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo Burbur waddooyinka ah, waxaana socdo dedaalo dhinaca dowladda ah oo loogu gurmanayo dhibaatooyinka soo gaaray shacabka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here