Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Wasiir Xasan Macallin iyo safiirka Ingiriiska?

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis.

 

Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada-hadlay taageerada joogtada ah ee boqortooyada Ingiriisku la garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kaalinta ay cadaaladda iyo garsoorku ku leeyihiin xasiloonida, iyo in deegaannada khawaarijta laga xoreeyay laga hir-geliyo adeegyo cadaaladeed.

Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa garab istaagga hagar la’aaneed uga mahad celiyay dowladda ingiriiska oo kamid ah dowladaha kaalinta weyn ka qaatay dib u dhiska dowladda Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here