Sawirro: Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay waxgaradka Mahadaay

0

MAHADAAY (SMN) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Maamulka, Waxgaradka iyo Odayaasha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo ahmiyada ay leedahay in xooga la saaro nabadgelyada si degmada u hesho adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshada.

Madaxweynaha ayaa xusay in loo baahan yahay isku tashi bulsho dowladduna ay xooga saari doonto dhismaha degmada saldhiga iyo xarumo caafimaad isagoo sidoo kale bogaadiyay adeegyada waxbarasho ee degmada ka jira.

Madaxweynaha ayaa odayaasha iyo bulshada degmada kala hadlay sida ay muhiim u tahay dhismaha golaha deegaanka degmada si bulshadu u doorato cida hogaanka u noqoneyso loogana gudbo in loo soo magacaabo cid aysan raali ka ahayn.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa deegaanka buurane ee Degmada Mahadaay kulan kula qaatay Waxgaradka deegaanka isagoo adkeeyay in laga wadashaqeeyo nabadda iyo horumarka deegaanka.

-DHAMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here