Sawirro: Maxay ka wada-hadaleen Taliyaha Xoogga iyo Madaxa UNMAS?

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Justin Smith, Madaxa Xafiiska UNMAS.

 

Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Justin Smith, ayaa ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeysa labada dhinac.

Ciidamada dowladda ayaa haatan dagaal adga kula jira Al-Shabaab, waxaana tababarada iyo qalabsiinta ay u tahay mid muhiim ah, maadaama ay wajahayaan marxalad dagaal.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here