Taliyaha Guud ee Ciidamada Türkiye oo booqasho ku yimid Soomaaliya

0

Muqdisho – Taliyaha Guud ee Ciidamada Jamhuuriyadda Türkiye, Sareeye Guud Selçuk Bayraktaroğlu, ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulan kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah iyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Türkiye, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah iyo xaaladda amni ee gobolka.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee dowladda Türkiye ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, tayeynta iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, si loo horumariyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka. Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Danjire Ferhat Alkan, iyo saraakiil kale oo ka kala socday labada dhinac.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here