Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ka qaybgalay shirarka caalamiga ah ee ICAO

0

Montreal, Canada –  Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kaga qaybgalay Shirka 7-aad ee Gaadiidka Cirka Adduunka (ATCONF/7) iyo Kulanka 43-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO – A43EX), kuwaas oo socday intii u dhexeysay 16-kii ilaa 20-kii Nofeembar 2026.

 

Shirarkan oo ay ka soo qaybgaleen wakiillo ka socday 115 dal, wasiirro iyo madaxda hay’adaha duulista rayidka ee caalamka, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta gaadiidka cirka, badqabka iyo amniga duulimaadyada, kobcinta maalgashiga iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Intii uu ku sugnaa magaalada Montreal, Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay madaxda sare ee Hay’adda ICAO, oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee ICAO, Mudane Juan Carlos Salazar Gómez, Agaasimaha Gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika ee ICAO (ESAF), Marwo Lucy Wanjiku Mbugua, iyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Awoodda iyo Hirgelinta (CDI), Mudane Fabio Rabbani.

Kulamadaas ayaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobo muhiim u ah horumarinta duulista rayidka Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hay’adda ICAO, iyo sidii Soomaaliya matalaad rasmi ah ugu yeelan lahayd xarunta dhexe ee hay’adda oo ku taalla Montreal, iyo xafiiskeeda gobolka ee xaruntiisu tahay Nairobi.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dardargelinta diyaar-garowga kormeerka caalamiga ah ee badqabka duulista rayidka (ICAO Safety Audit), kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka howlgala waaxda duulista rayidka iyo helitaanka qalab iyo taageero farsamo oo lagu horumarinayo adeegyada hagista hawada (ANS).

Qodobada kale ee kulamada lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa dhammaystirka rakibidda qalab muhiim ah oo muddo yaallay magaalada Baydhabo, kaas oo muhiimad gaar ah u leh adeegyada hagista iyo maamulka hawada dalka.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta kaabeyaasha duulista rayidka iyo tayeynta adeegyada hawada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here