Sawirro: Rooble oo war cusub kasoo saaray kiiska Ikraan Tahliil Faarax

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta hadal u jeediyey murashaxiinta iyo Ergada Aqalka Sare Gobollada Waqooyi ee Somaliland, ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee khilaafka ka dhex dhaliyey madaxda dowladda federaalka.

Rooble ayaa xusay in mar walba uu u taagan yahay caddaaladda bulshada Soomaaliyeed, isla markaana kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax laga weecin doonin hannaanka caddaaladda loogu raadinayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u taaganahay cadaaladda kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahilil ama maanta aan helno ama berri aan helno gacanta shacabka ayay soo geli doonaan, waana lala xisaabtami doonaa, qalbigiinna kheyr u sheega, maxkamadda Militeriga ayaa loo xil saaray, go’aankeeda ayaana sugeynaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, inay sida ugu dhaqsaha badan u billowdo baaritaanka kiiskan.

Kiiskan ayaa waxa uu khilaaf ka dhex dhaliyey Rooble iyo madaxweyne Farmaajo, kaas oo saameyn ku yeeshay xaaladda guud ee dalka iyo geeddi socodka arrimaha doorashooyinka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here