Bayle oo ka qeyb-galay barnaamij qeyb ka ah deyn cafinta Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa daah furay toddobaadkii dheeraa’ ee shirka dib-u-eegista wixii ka qabsoomay Barnaamijka (ECF) ee hanaanka deyn_Cafinta Soomaaliya.

“Muddada Todobaadka ah ee uu socdo shirka IMF/Bangiga Adduunka waxa aan diiradda ku saareynaa saameynta Covid-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo qaabkii wax looga qaban lahaa, sidoo kale waxa aan si wadajir ah dib ugu eegeynaa dhameystirka shuruudihii ugu dambeeyay ee hanaanka deyn Cafinta,ayuu yiri Wasiir Bayle.

Bayle ayaa tallaabadani ku tilmaamay fursad weyn oo inoo ogolaaneysa in aan Adduunka kala doodno fursadaha horumarineed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here