Sawirro: Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Joose.

 

Fiqi iyo wafdigiisa ayaa halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay, ayada oo kadib loo galbiyay qasriga madaxtooyada.

Intaasi kadib madaxweynaha Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiir Fiqi ayaa Kismaayo ka furay Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirrada arrimaha gudaha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo mas’uuliyiin kale.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here