Wararkii ugu dambeeyay xaaladda guud ee magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

 

Beledweyne ayaa shalay gashay xalad kacsanaan ah,  kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale waxaa magaalada ka dhacay dibad-baxyo looga soo horjeeday  HirShabelle, kuwaas oo ay dhigeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan ay xaaladdu ay dagan tahay, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka ee magaaladaasi.

Si kastaba, Jayte ayaa ka horyimid xilka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna ku dhawaaqay inuu dhisayo maamul ka madax banaan HirShabelle oo la yiraahdo Hiiraan State.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here