Sawirro: Wasiir Gaashaandhigga XFS oo shir muhiim ah ka furay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) –  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray shir looga hadlayo dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka Soomaaliyeed.

 

Shirkan wada-tashiga ah oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii dib-u-eegista loogu samayn lahaa qoddobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hawlaha Makamada Ciidamada Qalabka Sida, Xuquuqda iyo Xorriyaadka Asaasiga ah Ciidamada, Daba-galka Eedaynsaneyaasha Fal-dembiyeedyada, Ilaalinta Xubnaha Hawl-galka Ku-jira iyo qodobbo kale.

Ugu dambayntii, waxaa shirka wadatashiga ah ka soo qayb galay xubno kala metelayey Wasaraadda Gaashaandhiga, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ururrada bulshada Rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here