Muqdisho – Iyadoo la fulinayo ballan-qaadkii Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo loo yaqaan “Gen. Khaalid”, ayaa maanta lacagihii loogu talagalay kharashaadka arooska la guddoonsiiyey shan askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.
Askartan ayaa ka tirsan Ururka 171-aad ee Guutada 17-aad, Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballan-qaadkii uu taliyuhu hore ugu sameeyey askarta, iyadoo muujinaysa garab istaagga iyo daryeelka loo fidinayo xubnaha ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Askarta la guddoonsiiyey lacagahan ayaa taageero dhaqaale u helay diyaarinta munaasabadahooda arooska. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo laguna tixgelinayo ciidamada naftooda u hura difaaca dalka iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, tallaabadani waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay daryeelka ciidamada iyo fulinta ballan-qaadyada loo sameeyo, si loo xoojiyo niyadda askarta, kalsoonida iyo isku-xirnaanta hoggaanka iyo ciidamada.




