Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ah Maalinta Calanka Soomaaliyeed, isaga oo xusay qiimaha iyo muhiimadda uu calanku u leeyahay shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Calanka Soomaaliyeed uu astaan u yahay gobannimada, midnimada, sharafta, karaamada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in 12-ka Oktoobar ay tahay maalin mudan in si weyn loo xuso, maadaama ay xambaarsan tahay taariikh, halgan, geesinimo iyo naf-hurnimadii ay muujiyeen halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo dagaallamay xorriyadda iyo madax-bannaanida dalka.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada calanka, xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, isla markaana ka shaqeeyaan horumarka, nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, si jiilasha dambe ay ugu faanaan taariikhda iyo astaanta qarankooda.




