Thabit oo Ka Digay in Khilaafka Dowladda iyo Mucaaradku

0

Muqdisho – Duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi, ayaa ka digay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradku uu sababo xasillooni-darro amni iyo qalalaase saameeya shacabka ku nool caasimadda.

 

Thabit Cabdi, oo war-saxaafadeed soo saaray, ayaa sheegay in nabadda iyo amniga Muqdisho ay saldhig u yihiin dadaallada naf-hurnimada leh ee hay’adaha amniga, kuwaas oo uu ku ammaanay gudashada waajibaadkooda ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka. Waxa uu sidoo kale xusay kaalintii ay madaxdii hore ee dalka ku lahaayeen xoojinta hay’adaha amniga.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn colaad iyo iska horimaad hubeysan, isaga oo xusay in colaadaha ka taagan gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo Baabul Mandab, ay saameyn weyn ku yeelan karaan nolosha shacabka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, ayuu yiri, waa in laga fogaadaa tallaabo kasta oo culays dheeraad ah ku kordhin karta shacabka, kuwaas oo durba wajahaya caqabado kala duwan.

Dhanka kale, Thabit Cabdi ayaa ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo miiska wada-hadalka, lagana fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta xasillooni-darro iyo dhibaatooyin hor leh oo bulshada soo gaara.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xaaladaha cimilada, iyadoo meelo ka mid ah dalka ay ka da’ayaan roobab dabaylo wata. Waxa uu xusay suurtagalnimada roobabka El Niño ee la xiriira saadaasha cimilada sannadka 2026, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara Soomaaliya. Thabit Cabdi ayaa ku baaqay in mudnaan gaar ah la siiyo wacyigelinta bulshada, u-diyaargarowga iyo ka-hortagga khataraha cimilada, gaar ahaan kuwa la xiriira roobabka.

Ugu dambeyn, wuxuu dhammaan dhinacyada siyaasadda ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana mudnaanta la siiyo wada-hadalka iyo u-diyaargarowga khataraha cimilada ee dalka.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here