Shiinaha oo war culus ka soo saaray heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad (MoU) 1dii bishan kaasoo la sheegay in Itoobiya ay aqoonsi rasmi ah uga bedelanayso Somaliland 20KM oo bad ah. Heshiiska ayaa xaalad cusub ka abuuray gobolka Geeska Afrika, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku micnaysay tallaabadan daandaansi dagaal iyo ku xad-gudub madax-banaanaida dalka.

 

Mao Ning, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in Shiinuhu uu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadiida Axdiga Qaramada Midoobay ayna ka taageeraan dalalka ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waxay dowladda Shiinaha sheegtay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dalka Soomaaliya.

Shiinuhu waxuu u balan-qaadey dawladda Faderaalka ee Soomaaliya inuu ka taageerayo ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed, maadaama labada dowladood ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, oo aad u wanaagsan.

Dhanka kale, Shiinaha ayaa ugu baaqey dalalka gobolka inay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha taagan, islamarkaana ay wadahadal diblumaasiyadeed ku xaliyaan xiisada jirta ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Federaalka ayaa u yeertay safeerkeedii Addis Ababa, si wadatashiyo ugala yeelanato arrimaha taagan.

Itoobiya ayaa mudo dheer ku taamaysay inay bad hesho, si ay dekad iyo saldhig uga dhisato Ciidanka badda ay sameysanayso, waxaana hadda qorshaheeda u fulinaya Somaliland oo Lughaye iyo Berbera ka siisay bad la sheegay in 50 sano laga kireeyay.

Banaanbaxyo looga soo horjeedo heshiiskan ayaa ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale oo Somaliland kamid ah, sida Borama iyo Burco, oo shacabku ay sheegeen inaysan aqbali doonin in badooda qay qaadato Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here