Shirkii Gollaha Wadatashiga Qaranka oo Ka Furmay Muqdisho

0

Muqdisho – Talaado, 6-da May 2025: Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Shirka oo horay labo jeer dib loo dhigay sababo la xiriira khilaafaad ku saabsan qaybinta awoodaha iyo ka qeybgal la’aanta qaar ka mid ah dhinacyada, ayaa hadda si rasmi ah u furmay, waxaana ka qaybgalaya madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, SSC-Khaatumo, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo muhiim u ah mustaqbalka dalka, ayaa looga doodayaa arrimo qaran oo mudnaan gaar ah leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin: amniga guud ee dalka, howlgalada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah, horumarinta dhaqaalaha, xaaladda bani’aadantinimo ee dalka ka jirta, iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyey furitaanka shirka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah si loo helo xasilooni siyaasadeed iyo amni buuxa oo dalka laga gaaro.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay marayso marxalad kala guur ah oo u baahan in si mideysan looga shaqeeyo danta guud.

Shirkan ayaa la filayaa inuu socdo dhowr maalmood, iyadoo laga rajeynayo in laga soo saaro go’aanno lagu dardar gelinayo xasilloonida dalka, qorsheyaasha doorashooyinka, iyo kobcinta dhaqaale ee dalka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in lagu xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxeysa heerarka kala duwan ee dowladda si loo gaaro hannaan dowladeed oo hufan.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here